Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Beledxaawo: Weerar Lagu Dilay Afar Qof


Weerarka ayaa waxaa fuliyey maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo rasaas ku furay goob ay ku sugnaayeen dadweyne iyo askar ka tirsan dowladda.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku geeriyootay weerar koox hubeysan ay maanta ku qaadeen goob fagaaro ah oo ah oo ku taalla degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Dadka ku dhintay weerarka ayaa laba ka mid ah waxa ay ahaayeen shacab, halka labada kalena ay ahaayeen askari ka tirsan ciidamada dowladda iyo mid ka mid ah kooxdii weerarka soo qaadday.

Weerarka ayaa lagu warramayaa inay soo qaadeen maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo beegsanayey ciidamo ka tirsan dowladda.

Aadan Weli Ibraahim Cabdiraxmaan oo ka mid ah odayaasha Beledxaawo ayaa VOA u sheegay in rag hubeysan oo saaraan baabuur ay soo galeen magaalada kadibna ay rasaas oodda ka qaadeen.

Taliyaha amniga Beledxaawo Sugow Cali Bare ayaa VOA u sheegay inay qabteen baabuurkii weerarka soo qaaday, ayna dileen laba ka mid ah maleeshiyadii weerarka fulisay.

Warkan waxa Kismaayo kasoo diray Qadar Maxamuud Xareed.

Weerar ka dhacay Beledxaawo
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:22 0:00

XS
SM
MD
LG