Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaallada Beledweyne oo wali cakiran


Xaallada Beledweyne oo wali cakiran
Xaallada Beledweyne oo wali cakiran

Magaalada Beledweyne ayaa xaalladeedu wali qasan tahay, iyadoo ciidamada labada dhinac ay wali isku horfadhiyaan xaafadaha magaaladaasi

Wararka ka imanaya Beledweyne ayaa sheegaya in maleeshiyooyinka Xisbul-Islam iyo Ahlu-Sunnah Wal-Jamaacah ay isku horfadhiyaan xaafadaha magaaladaasi.

Maleeshiyada Xisbul-Islam ayaa saaka la sheegay inay la wareegeen gacan ku haynta magaaladaasi, kadib markii ay ka baxeen maleeshiyada Ahlu-Sunnah, balse goor sii danbeysay ayaa waxaa magaalada dib u soo galay maleeshiyada Ahlu-Sunnah.

Xaallada ayaa la sheegayaa inay kacsan tahay, iyadoo labada dhinac ay rasaas goos-goos ah isla beegsanayaan.

Tirada dhimasha ayaa korodhay tan iyo dagaalkii shalay magaalada ka dhacay, ilaa 17 qof ayaa la sheegayaa inay ku geeriyoodeen, iyadoo ilaa 30 qofna ay ku dhaawacmeen.

XS
SM
MD
LG