Isku xirrada

War

Beledweyne: Qaraxyo lala eegtay Ciidamada Ethiopia


Beledweyne: Qaraxyo lala eegtay Ciidamada Ethiopia

Beledweyne: Qaraxyo lala eegtay Ciidamada Ethiopia

Wararka ka imaanayaa magaalada baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadahi hore ee manta laba qarax logu weerar gaadiid ay la socdeen ciidamada Ethopia oo marayay xaafada Xaawo Taako ee Bariga Magaalada,.

Sida ay VOA u sheegeen dad ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay ciidamada Ethiopia ayaa rasaas xooggan hareera u furay waxaana ku dhinta ilaa 2 qof, 4 kalana waa ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Ethiopia ayaa howlgal ay halkaasi ka sameeyeen Qaraxa ka dib ku soo qabqabtay dhowr qof.

Waa markii labaad oo qarax noocan ah lala eegto ciidamada Ethiopia tan iyo markii ay la wareegeen Magaalada Beledweyn 31kii bishii December ee sanadkii ina dhaafay.

XS
SM
MD
LG