Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Beled Xaawo oo laga Qaxay


Beled Xaawo oo laga Qaxay
Beled Xaawo oo laga Qaxay

Degmada Beled Xaawo oo markii horeba ahayd degmo yar ayay dadku ka qaxeen iyagoo ka baxsanaya dagaalo halkaasi ka socday.

Dagaalo culus oo dhowaan ku dhexmaray degmada Beled Xaawo ciidamada dowladda KMG ah oo gacan ka helaya Itoobiya iyo kuwa ururka al-Shabaab ayaa sababay in degmadu ay faarujiyaan dadkii deganaa, kuwaasoo ka cabsaday inay waxyeello ka soo gaarto madaafiic la sheegay in ciidamada dowladdu ay ku garaacaan degmadaasi.

Waxaa magaalada Nairobi la gaarsiiyay dad ku dhaawacmay madaafiicda iyo rasaasta ay isweydaarsadaan dhinacyada isku haya degmadaasi.

Degmada Beled Xaawo waxay weli gacanta ugu jirtaa xoogagga al-Shabaab, ciidamada dowladdana waxay ku sugan duleedka magaaladaasi.

Inkastoo xaaladdu ay degan tahay haddana waxaa mar kasta la fili karaa in dagaal uu ka dhex qarxo labada ciidan ee is hor fadhiya.

XS
SM
MD
LG