Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Beled Xaawo


Ugu yaraan laba qof aya aku dhimatay qarax maanta ka dhacay magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in qaraxa ay ku dhinteen ugu yaraan laba qof inkastoo maamulka degmadu aya sheegeen in hal askari uu ku dhintay saddex qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhacay goob maqaayad ah oo ku taal suuqa weyn ee magaalada. Maqaayadda waxaa la sheegay inay inta badan fadhiistaan askarta dawladda.

Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Degmada Nuur Sayax Xareed ayaa VOA u sheegay in miino kale oo goobta la dhigay ay iyaduna furfureen ciidamada amniga ka hor intii aysan qarxin.

Waxa uu ku eedeeyey in qaraxa ay ka dambeeyeen ururka al-Shabab, inkastoo weli ururku uusan sheegan mas'uuliyadda.

Hoos ka dhagayso waraysiga Nuur Sayax Xareed

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:44 0:00

XS
SM
MD
LG