Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Beesha Caalamka oo ka Walaacsan Mooshinka


Beesha caalamka waxay ku shireen Muqdisho (File Photo)
Beesha caalamka waxay ku shireen Muqdisho (File Photo)

Beesha Caalamka ayaa sheegtay in mooshinkan uu carqaladeeyo horumarka Soomaaliya ay ka gaarayso yoolalka nabadda iyo dowlad dhisidda.

Danjireyaasha Qaramada Midoobay, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU), Dowladda Maraykanka iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK), ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay ka walaacsan yihiin mooshinka Baarlamaanka ee lagu doonayo in xilka looga qaado Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xubnahan, ayaa sheegay in mooshinkan uu carqaladeeyo horumarka Soomaaliya ay ka gaarayso yoolalka nabadda iyo dowlad dhisidda.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu yiri:- “Inkastoo aan si buuxda u qadarinayno xaqa uu Baarlamaanka Federaalku u leeyahay inuu la xisaabtamo hay’adaha sidaana ku guto waajibaadkiisa dastuur, gudbinta mooshin caynkan oo kale ah waxay u baahantahay daahfurnaan aad u heer sarreysa iyo hanaanka loo maro oo hufanaato, waxayna qaadan doontaa waqti aad qaali u ah, gaar ahaan marka ay meesha ka maqanyihiin hay’ado sharci oo lagama maarmaan ah”.

“Inkastoo aan aqoonsanahay horumarka sannadihii la soo dhaafay laga gaaray Soomaaliya, gaar ahaan dhanka federaalka, iyo annago sidoo kalena aqoonsan kaalinta muhimka ah oo geesinimada leh ee uu ka geystay Baarlamaanka Federaalka, iyadoo inta badana khasaare badana ay dadka ka soo gaarto, waxaan weli ka welwelsanahay horumarka ka socda ajendaha sharcidejinta iyo baahida loo qabo in la ansaxiyo shuruuc muhim ah, oo ay ka midyihiin shuruucda doorashada, muwaadinimada, xisbiyada siyaasadda iyo maxkamadda dastuurka. Hay’adaha sameysmayana waa kuwo weli liita. Waxay u baahanyihiin muddo xasilloon iyo hawsha oo sii socota si loogu ogolaado Soomaaliya inay ka fa’iideysato Barnaamijka Heshiiska Soomaaliya ee Hiigsiga Cusub iyo inay isu diyaariso xilka dowladda oo la wareejiyo sannadka 2016”

Beesha caalamka, ayaa sidoo kale sheegtay inay ka go’an tahay in dadka Soomaaliyeed ku kaalmeyno isu diyaarinta geeddi socod doorasho ee dhacda sannadka 2016 oo aan hay’ad keligeed ama cid kale oo ay arrintu khuseyso ku amartaagleyneynin.

Hanaanka doorasho ee dhab ahaan loo dooran doono, ayay beesha caalamka sheegtay inay isla qaadan doona dadka Soomaaliyeed ka dib maka la maro hanaan wadatashi, ee ay ka wada qaybqaataan laamaha fulinta, sharcidejinta iyo maamul goboleedyada iyo weliba bulshada rayidka oo idil.

Waxay ugu dambeyn wakiilada beesha caalamka ugu baaqeen hay’adaha federaalka Soomaaliyeed inay ilaaliyaan midnimadooda iyo isku xirnaantooda inta lagu jiro xilligan adag, ayna diiradda saaraan arrimaha mudnaanta leh ee ay dadka Soomaaliyeed dejisteen:

(a) diyaarinta hanaanka doorasho ee sannadka 2016ka;

(b) sameynta maamul-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo hanaanka dib u eegidda dastuurka, oo muhim u ah xasilinta, maamulka iyo dowlad-dhisidda; iyo

(c) la dagaallanka Al-Shabaab, oo maraya meel xasaasi ah, mahadi ha ka gaartee taageerada iyo dadaalka ay naftooda u hurayaan ciidamada amaanka qaranka Soomaaliyeed, Midowga Afrika iyo saxiibada kale.

XS
SM
MD
LG