Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Beelo Hubkooda Ku Wareejiyey GALMUDUG


Madaxweynaha Galmudug
Madaxweynaha Galmudug

Arrintan ayaa qeyb ka ah qroshe lagu doonayo in beelaha Galmudug oo idil ay hubkooda kusoo wareejiyaan maamulka madaxweyne Cabdikariim Guuleed ee Galmudug.

Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in qaar ka mid ah beelaha degaanka ay hubkoodii ku wareejiyeen maamulka Galmudug.

Wareejinta ayaa qeyb ka ah qorshe iyo kullamo daba socda oo Guuleed uu maalmahan la lahaa beelaha dega Galmudug, oo lagu doonayo inay looga dhaadhicinayo inay hubkooda ku wareejiyaan maamulka.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ka hadlay goobta hubka lagu wareejiyey ayaa ballan qaaday in maamulkiisa uu hubkaas u adeegsan doono si wanaagsan.

Warbixintan waxaa Gaalkacayo nooga soo diray Cabdiwaaxid Macalim Isaaq.

Hub lagu wareejiyey Guuleed
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:25 0:00

XS
SM
MD
LG