Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaab oo Qabsatay Deegaano ka mid ah Kenya


Qaar ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab
Qaar ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab

Maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa la sheegay inay maalintii shalay galeen tuulada lagu magacaabo Basuba oo ka tirsan gobolka Xeebta ee Lamu ee dalka Kneya.

Maleeshiyada ayaa tiro ahaan gaarayey qiyaastii 100 maleeshiyo oo aad u hubeysnaa, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Markii ay deegaanka soo galeen, ayaa maleeshiyada Al-Shabaab waxay galeeen guryaha oo ay dadka kasoo saareen, kadibna inta meel isugu keeneen ay u khubeynayeen muddo hal saac iyo bar ah.

Kuwa khudbeynayey ayaa la sheegay inay ahaayeen laba dumar iyo laba rag ah, ayada oo dadka deegaankuna ay sheegeen inay u ekaayeen dad carab ah.

Arrintan iyo sida looga arkay gobolkaasi ayaa Cabdiraxmana Xuseen Furre, waxa uu ka waraystay weriye Cabdulqaadir Jeylaani oo ku sugan magaalada Mombasa.

Wareysi: Shabaabka qabsaday Basuba
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:01 0:00

XS
SM
MD
LG