Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baydhabo: Al-Shabaab oo 11 nin Xabsi dhigtay


Ragga la xiray oo ay ku jiraan ganacsato waxay al-Shabaab ku tuhmeysaa inay xiriir la leeyihiin Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Maamulka al-Shabaab ee gobollada Baay iyo Bakool ayaa xabsiga dhigay 11 nin oo ay ku jiraan ganacsato iyo odayaal.

Raggaasi oo haatan ku xiran xabsi ku yaalla magaalada Baydhabo waxaa markii hore laga soo qabqabtay deegaano ka tirsan gobolka Bakool ka dibna loo gudbiyay magaalada Baydhabo.

Inkastoo aanay kooxda al-Shabaab ka hadlin sababta ay raggaasi u xirtay haddana waxay wararku sheegayaan in ay uga shakisan tahay inay xiriir la leeyihiin dowladda KMG ah.

Kooxda al-Shabaab ee gacanta ku haysa gobollada Baay iyo Bakool ayaa halkaasi ka dhaqan gelisay Shareecada Islaamka.

XS
SM
MD
LG