Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barnaamij Cusub: Madasha Dastuurka


Madasha Dastuurka waa barnaamij gaar ah oo aan kaga hadlayno dastuurka qabyo-qoraalka ah ee DKMG ee Somalia

Barnaamijkani waa kii u horeeyey barnaamijyo dhowr ah oo aan kaga hadli doono dastuurka qabyo-qoraalka ah ee DKMG ahi ay doonayso inay ku dhameyso inta aan la gaarin xiliga kala guurka ah.

Qoddobo dhowr ah ayuu barnaamijka maanta ka hadli doonaa.

Hoosta ka akhriso qoddobada barnaamijka ee maanta.

  1. Shareecada ayaa ah aasaaska Dastuurka Soomaaliya waana in saldhig looga dhigaa fulinta xeerarka madaniga ah iyo kuwa dambiyda, dhammaan Soomaaliya.

    Waxayna dadku u codeeyeen sidan:

a) 87% si xooggan ayey u raacsan yihiin

b) 7% xoogaa ayey raacsan yihiin

c) 1% xoogaa ayey diiddan yihiin

d) 5% Si xooggan ayey u diidan yihiin

2- Su’aasha labaad ee aynu weydiinay waxay ahayd: “Haweenka waa in laga qaybgeliyaa dhammaan hay’adaha qaranka gaar ahaan xilalka la soo doorto iyo kuwa la magacaabo iyo guddiyada madaxabannaan.”Waxayna dadku u codeeyeen sidan:



e) 36% si xooggan ayey u raacsan yihiin

f) 23% xoogaa ayey raacsan yihiin

g) 11% xoogaa ayey diiddan yihiin

h) 30% Si xooggan ayey u diidan yihiin

3. Qodob ku jira dastuurka waxa uu dhigayaa “Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Soomaaliya waxay xilka hayn doonaan ugu yaraan laba xilli oo midkiiba shan sano yahay.”

i) 47% si xooggan ayey u raacsan yihiin

j) 13% xoogaa ayey raacsan yihiin

k) 6% xoogaa ayey diiddan yihiin

l) 34% Si xooggan ayey u diidan yihiin

4. Nidaamka maamul-gobleedyada imisa gobol ayey tahay in lagu saleeyo?

14% waxay qabaan in maamul-goboleedyada lagu saleeyo 8 gobol
40% waxay qabana in lagu saleeyo 18ka Gobol
22% waxay qabana in lagu saleeyo Waqooyi iyo Koonfur
17% tiro kale
7% fikrad kama qabana ama lama socdaan

5. Dastuurku waxa uu ka hadlayaa awoodaha maamul-goboleedyada iyo dawladda dhexe ee Soomaaliya. Adiga aragtidaada midkeebaa AAD u muhiimsan in:

80% Soomaaliya yeelato dawlad dhexe oo awood xooggan leh
13%Soomaaliya yeelato dawlad dhexe oo aan awood weyn lahayn balse maamul- goboleedyada la siiyo awoodo badan oo waaweyn
6%labadaba/Midkoodna/Qaab kale”
1%Ma aqaan/ma sheegi karo”

6. Ma jiraan qodobo kale oo ku jira dastuurka oo aad aragti xooggan ka qabtid?

- Haa (fadlan hoos ku sheeg kuwa ay yihiin)
- iinta madaxweynaha waa inay tahay Muslim. Sidoo kale wa ain lagu xusaa aqoontiisa.

- Sidoo kale waxay dadku ka hadlayaan jinsiyadaha oo ay walaac ka qabaan in degdeg loogu oggolaado jisniyadda dadka ana Soomaalida ahayn.

- In la wadaago khayraadka dalka si siman.

- Xuduudaha Soomalaiya kuma cadda dasturuka, iwm.

XS
SM
MD
LG