Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barn. Faaqidaadda Todobaadka


Soomaalida Minnesota
Soomaalida Minnesota

Barnaamijka Faaqidaadda ee Toddobaadkan wuxuu ku saabsan yahay 14-ka qof ee Maraykanku ku eedeeyay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab.

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka, wuxuu ku saabsan yahay 14-ka qof ee ay ku jiraan dad Soomaali ah oo dowladdu Maraykanku ay ku eedeeysay inay xiriir la leeyihiin kooxaha argagixisada ee Somalia, gaar ahaan Al-shabaab.

Dadkaasi waxaa ku jira laba haween ah oo Somali ah oo lagu eedeeyay inay lacago u uruurinayeen kooxda Al-shabaab. Haddaba saameyn intee le'eg ayay arrintaasi ku yeelan kartaa Soomaalida degan Maraykanka, su'aashaasi iyo su'aallo kale ayaa waxaa ka doodaya oo barnaamijkan Faaqidaadda Toddobaadka ka qeybgalaya Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo macalin ka ah Jaamacad ku taalla Minnesota, Prof. Xasan Cali Maxamed (Jaamici), oo isna macalin ka ah jaamacad ku taalla Minneapolis iyo Prof. Cali C/raxmaan Xirsi oo macalin ka ahaa jaamacaddii Somalia oo ku sugan Garowe.

Barnaamijka oo dhamaystiran qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG