Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barlamaanka oo Cod Gacan Taag ah Ku Ansixiyay Xukuumadda


Barlamaanka oo Cod Gacan Taag ah Ku Ansixiyay Xukuumadda
Barlamaanka oo Cod Gacan Taag ah Ku Ansixiyay Xukuumadda

Golihii xukuumadda ee uu soo dhisay ra'iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta baarlamaanku ay ansixiyeen

Xildhibaanada baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay xukuumadda cusub ee ra’iisal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa maanta hoolka baarlamaanka soo xaadiray 343 mudane kuwaasoo cod gacan taag ah u qaaday xukuumadda Farmaajo.

251 mudane ayaa oggolaansho ku ansixiyay, waxaa ka hortimid 92 mudane.

Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku dhowaaqay natiijada, Wuxuuna sheegay in xukuumaddu ay ansax tahay.

XS
SM
MD
LG