Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barlamaanka KMG oo muddada kordhistay


Barlamaanka KMG oo muddada kordhistay
Barlamaanka KMG oo muddada kordhistay

Baarlamaanka KMG ayaa maanta kulan uu ku yeeshay Muqdisho muddo 3 sano ah ku kordhistay Waqtigiisa oo ku ekaa 22 August ee Sanadkan.

Kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen Baarlamaanka Soomaaliya ayay ku go'aamiyeen in muddo saddex sano ah ay ku kordhistaan waqtigooda oo ku eekaa 22-ka bisha August ee sannadkan.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen 435 mudane ayaa 421 mudane ay u codeeyeen in muddada la kordhiyo, hal mudane ayaa diidey halka saddex mudane ay ka aamuseen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan oo kulanka maanta guddoomiynayay ayaa VOA u sheegay in muddo kordhintan ay ka danbeeysay soo jeedin ay soo jeediyeen guddiga dastuurka baarlamaanka. Shariif Xasan wuxuu sheegay in baarlamaanka Soomaaliya ku heshiiyay in muddo kordhintan ay tahay tii ugu danbeysay oo wixii imika ka danbeeya wax kasta oo dhaca aan la muddada loo kordhin doonin.



XS
SM
MD
LG