Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bariga Afrika Oo Ciidamo Loo Dhisay


Dalka Jabuuti ayaa waxaa kala socda shirar la xiriiray arrimaha nabadgelyada iyo xasilloonida ee wadamada Bariga Afrika.

Wadamadan ayaa ku bahoobay ururka ciidamada nabadgelyada ee Bariga Afrika ee ESF kuwaasi oo la dhameystiray dhismahooda, waxaana socda kulanka khubarada arrimaha milatariga ee dalalkaas.

Qorshahan, ayaa waxa uu qeyb ka yahay barnaamij ciidamo mideysan loogu dhisayo dalalka Afrika, ayaga oo loo kala qeybinayo dhowr qeybood, sida Bariga, Galbeedka, Bartamaha iyo Koonfurta.

Wariyaha VOAa Ramadan Muuse ayaa arrimahan ka warreystay Colonel Mustafe Ali Xandule oo ah u qaybsanaha Djibouti ee ciidamada Bariga Afrika wuxuuna ugu horeeyn weeydiiyay waxa hortaagan hawlgalka ciidankan.

Ciidamada Bariga Afriga
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:43 0:00

XS
SM
MD
LG