Isku xirrada

Ciidamada Dawladda iyo Kuwa AMISOM oo Qabsaday Baraawe


Ciidamada AMISOM, Baraawe: Sawirka: AMISOM/Tobin Jones

Ciidamada AMISOM, Baraawe: Sawirka: AMISOM/Tobin Jones

Qabsashada Baraawe ayaa ka dambaysay markii laba malamood ay dagaallo goos-goos ah ah ka dhacayeen agagaarka magaalada.

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaallada dhacay intii ay ciidamadu kusii socdeen magaalada Baraawe.

Saaka ayaa ciidamadu ay galeen magaalada Baraawe iiyaga oo ugu horraynba la wareegay saldhigga booliska, saldhigii hore ee ciidamada Mariiniska Soomaaliya iyo dekedda magaalada Baraawe.

Taliyaha ciidamada AMISOM ee dagaalka hoggaaminaya iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa goob fagaare ah kula hadlay dadweyne badan oo isku soo baxay.

AMISOM Photo / Tobin Jones

AMISOM Photo / Tobin Jones

Ururka al-Shabab ayaa inta badan maleeshiyadiisa kala baxay magaalada ka hor inta aan la qabsan.

Dhinaca kalena, ciidamada nabad ilalainta iyo kuwa Soomaalida ayaa la sheegay inay fureen furin cusub agagaarka Buuloguduud oo 30km dhinaca waqooyi ka xogta magaalada Kismaayo.

Ciidankan ayaa la sheegay inay dagaallo kooban galeen. Ujeeddada ciidankan ayaa la sheegay inay tahay inay qabsadana magaalada Jilib.

XS
SM
MD
LG