Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barakacayaal ku Dhintay Muqdisho


Goobaha lagu qeybiyo cuntada gar-gaarka
Goobaha lagu qeybiyo cuntada gar-gaarka

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geriyooday saddex kalane way ku dhaawacmeen kaddib markii askari ka tirsan ciidamada Dowladda KMG uu rasaas ku furay dad barakacayaal ah xilli ay safaf ugu jireen qaadashada raashiin mucaawinaha ah oo lagu qeybinayay xerada Rajo oo ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee Degmada Wada jir ee Gobalka Banaadir.

Rasaast ayaa la sheegy inay dhacday kaddib markii barkacaasha oo ay ku jireen kuwa aan heysas kararka raashiinka lagu qaato ay ku xoomeen goobta ay raashiinka lagu qeybinaya, kaddibna askari ka mid ahaa ilaalada mucaawinada ayaa riday rasaas uu dadka kukala eryayay taasoo sababtay qasaaraha dhimashada iyo dhaawaca sida ay VOA u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Dowladda KMG ayaan ku guuleysan xaqiijinta amniga goobaha barakacaasha marka ay raashiin qeybintu ka socota inkasta oo ay dolwaddu sameysay ciidamo ilaaliya gargaarka dadka loogu talagalay.

Shilkan maanta dhacay ayaa noqonaya kii saddexaad ee muddo laba toddobaad gudahood ka dhaca xeryaha dadka barakacayaasha ee Muqdisho.

XS
SM
MD
LG