Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka Oo Shirkii Madasha Bogaadiyey


Dawladda Maraykanka ayaa bogaadisay shirkii madasha wadatashiga ee shalay magaalada Muqidisho lagu soo gabagabeeyey, iyada oo warbixin ka soo baxday wasaaradda arrimaha Dibadda lagu amaanay dadaalada la doonayo in lagu gaaro hanaan doorasho oo la isku raacsan yahay, kaas oo dhameystiran, daah furan, isla markaana sharci ku dhisan.

Dawladda Maraykanka ayaa soo dhaweysay qodobadii lagu heshiiyey ee ku qornaa bayaankii Muqdisho shalay Muqdisho ka soo baxay.

Waxay dhamaan ka qeyb galayaasha lagu boorriyay inay meel dhexe iskugu yimaaddaan, isla markaana ay adkeeyaan sidii ay heshiis kama dambeys ah u gaari lahaayeen 10ka bisha January ee sanadka foodda inagu soo haya.

Hadalkan dawladda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu si adag u taageerayo in labada waaxood ee sharcidejinta iyo fulinta aan waqtigooda la kordhinin, iyada oo la tix raacayo qaraar Golaha Amniga ee QM horay uga soo baxay, kaas oo tirsigiisu yahay 2232.

XS
SM
MD
LG