CEEL-WAAQ —
Qoysas badan oo Soomaaliyeed ayaa bilaabay in ay ka barakacaan deegaanada ku teedsan xuduudda udhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan deeganada u dhaw dhaw magaalada Ceel-waaq.
Arrintaan ayaa waxa ay ka danbeysay kadib marki ay Dowlada Kenya ku amartay in ay ka guuraan 20 km dhulka miyiga ah ee u dhaxeeya labadda dal ee deegaankaas.
Gudoomiye Kuxigeenka dagmada Ceel Waaq ee gobolka Gedo, Sahal Macalin Aadan oo la soo xiriirey VOA-da ayaa u waremay wariyaheena Jaamac Buulle Jaamac, uguhoreyna waxaa uu Sahal sharaxayaa barakacan.