Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Heshiis Laga Gaaray Dagaalladii Gaalkacyo


Gaalkacyo
Gaalkacyo

Odayaal ku kulmay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inay ku heshiiyeen saddex qodob oo dagaalka lagu joojinayo.

Dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ayaa xal laga gaaray, ayada oo lagu dhowaaqay xabad joojin la dhex dhigay dhinacyadii dagaalamay.

Odayaasha oo kaashanaya ganacsatada labada dhinac ee GALMUDUG iyo Puntland oo maanta ku kulmay bartamaha Gaalkacyo ayaa sidoo kale ku guuleystay inay kala qaadaan ciidamadii dagaalamay.

Nabaddoon Cabdikariim Sheekh Axmed Xasan Koofurow oo warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inay ku heshiiyeen saddex qodob oo kala ah:

1 – In xabadda la joojiyo
2 – In la kala qaado labada ciidan.
3 – Iyo in laga wada hadlo wixii dhacay ee dagaalka dhaliyey.

Odayaasha labada dhinac ayaa iska soo xulay guddi labada dhinac ah oo ka shaqeyn doona sugidda ammaanka iyo joogteynta nabadda Gaalkacyo.

Odayaasha ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka deggan Gaalkacyo inay nabadda ka shaqeeyaan, islamarkaana ay joojiyaan inay magaalada ka barakacaan, ayaga oo sheegay in magaalada ay iminka nabad tahay.

Weriyaha VOA ee Gaalkacyo Cabdiwaaxid Macallin Isaaq.

Heshiis laga gaaray dagaalkii Gaalkacyo
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:38 0:00

XS
SM
MD
LG