Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Banaanbax ka dhacay magaalada Muqdisho.


Roket yang membawa pesawat antariksa Soyuz meluncur menuju Stasiun Antariksa Internasional dari Kazakhstan (29/5). (AP/Mikhail Metzel)
Roket yang membawa pesawat antariksa Soyuz meluncur menuju Stasiun Antariksa Internasional dari Kazakhstan (29/5). (AP/Mikhail Metzel)

Boqollaal dadweyne ayaa maanta Muqdisho ka sameeyay banaanbax ay uga soo horjeedaan burburinta qabuurraha Muqdisho.

Boqollaal dadweyne ah oo isugu jira dhalinyaro, haween iyo caruur ayaa maanta Muqdisho ka sameeyay bannaan bax ka dhan ah qabuurro burburinta ay kooxda al-Shabaab ka wado Muqdisho.

Bannaanbaxan maanta Muqdisho ka dhacay waxaa soo abaabushay Dalladda Bulshada Rayidka ee gobolka Banaadir. Dadweynahan waxay socod ka soo bilaabeen halkii ay ku taallay Taaladii sayid Maxamed Cabdulle Xasan, iyagoo ugu dambeyntii isugu tagay fagaaraha lagu magacaabo Daljirka Dahsoon ee agagaarka xaruntii hore ee baarlamaanka dowladdii Dhexe

Dadkan ayaa ku qeylinayey ereyo ay ku muujinayaan sida ay uga careysan yihiin burburinta ay kooxda al-Shabaab ku wado qabuuraha ay ku aasan yihiin mashaa’ikhda magaca weyn ku leh bulshada gobolka Banaadir

Guddoomiyaha dallaada Bulshada Rayidka ee gobolka Benaadir Xaaji Muxyidiin Xasan Afrax oo bannaan baxayaasha kula hadlay fagaarihii ay isugu yimaadeen ayaa ugu baaqay inay ka dhiidhiyaan dhibaatada ay kooxda al-Shabaab ku hayso bulshada sida uu hadalka u dhigay.

Bannaanbaxan lagaga soo horjeedo kooxda al-Shabaab ayaa daba socda maalmo ka dib markii kooxda Al-shabaab ay burburisay qabuurro ku yaallay magaalada Muqdisho oo ay ku aasnaayeen culimaa’udiin Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Sheekh Muxyidiin Celi iyo Sheekh Maxamed Biyomaalow.

Dadkan banaanbaxayay Waxay ugu baaqeen dowladda KMG ah inay si deg-deg ah ay u qaado tallaabo ay ku suurogelineyso in dadkii ka qaxay magaalada Muqdisho ay dib ugu soo laabtaan guryohooda.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso warbixinta banaanbaxaasi.

XS
SM
MD
LG