Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ban oo ka qeybgalaya shir ka dhacaya Istanbul


Ban oo ka qeybgalaya shir ka dhacaya Istanbul
Ban oo ka qeybgalaya shir ka dhacaya Istanbul

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Xoghayaha guud Ban Ki-moon uu ka qeybgali doono shir ka dhacaya Istanbul oo looga hadlayo arrimaha Somalia.

Warkan oo ka soo baxay Qaramada Midoobay iyo Turkey ayaa lagu sheegay in shirkan uu bilaabmi doonaa 21-ka May ilaa 23-ka May. socon doonaa muddo 3 cisho ah, waxaana si wadajir ah u marti galinaya Turkey iyo Qaramada Midoobay.

Shirkan ayaa lagu eegi doonaa halisaha dhinacyada ammaanka iyo xasiloonnida ee ka taaggan dalka Somalia.

Sida lagu sheeggay warka ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha Turkiga, waxaa kale oo shirkan lagu gorfayn doonaa sidii xal loogu heli lahaa halista ka jirta Somalia gaar ahaana marka ay timaado dhinacyada horumarinta dalka Somalia iyo dib u dhiskaba.

QM waxay sheegtay in shirkan loogga gol leeyahay in lagu horumariyo hanaanka nabadda ee lagu doonayo in lagu gaadho amni iyo dib u dhis lagu sameeyo dalka Somalia

Shirka waxaa kaloo looga hadli doonaa burcad-badeedda.

La Xiriira

XS
SM
MD
LG