Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ban Ki-Moon oo Muqdishu Booqday


Ban Ki-Moon oo Muqdishu Booqday
Ban Ki-Moon oo Muqdishu Booqday

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa booqasho lama filaan ah ku tagay caasimadda Soomaaliya ee Muqdishu

Ban Ki-Moon waxa uu la kulmay madaxda Soomaalida oo ugu horreeyo Madaxweyne Sheekh Shariif SheekhAxmed, waxana uu ku dhowaaqay in isaga iyo Qaramada Midoobay ay mudnaanta weyn siinayaan dhibaatada Soomaaliya. Waxa uu ku dhowaaqay in Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay bisha dambe loo soo rari doono Muqdishu. Waxa ku baaqay in lasoo dhammaystiro ciidamada AMISOM oo la gaadhsiiyo 10 kun oo askari.

Ban Ki-Moon waxa uu ammaanay dadaalka hay'adaha gargaarka ee Soomaaliya, balse waxa uu sheegay in weli xaaladuu cakiran tahay Badhtamaha iyo Koonfurta Soomaaliya. Waxa uu sheegay in 4 milyan oo qof ay weli xaaladdoodu ku sugan tahay heer qalalaase, halka 250 kun oo qof oo kalena ay macluul qarka u saaran yihiin.

Waxa uu dhalleeceeyey hab-dhaqanka Al-Shabab ay kula kacday hay’adaha gargaarka.

Wararka ku saabsan tegista Ban Ki-Moon ee Muqdisho halkan hoose ka dhageeyso

XS
SM
MD
LG