Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha oo Baydhaba Kula Kulmay Odayaasha Dhaqanka


Madaxweyne Xasan
Madaxweyne Xasan
Madaxweynaha ayaa saaka la kulmay odayaasha shaqanka ee sameeyey Maamul Goboleedka 6-da Gobol. Odayaasha ayaa ka koobnaa 21 xubnood. Ilaa hadda faahfaahin lagama bixin natiijada wadahadalladaasi.

Sidoo kale waxaa la filayaa madaxweynuhu inuu daqiiqadaha soo socda la kulmo 21 odayaasha dhaqanka ee dhisay Maamul Goboleedka 3-da Gobol.

Wadahadaladan waxaa shalay ku biiray Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xaaladda magaalada Baydhaba ayaa qasnayd toddobaadyadan kadib samaynta maamullada iska soo horjeeda.

Maamulka 6-da Gobol waxaa hoggaamiya Wasiirkii hore ee Dastuurka Madoobe Nuunow Maxamed, halka maamuka 3-da Gobol uu hoggaamiyo Maxamed Xaaji Cabdinuur oo ku cusub siyaasadda.
XS
SM
MD
LG