Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamanka Puntland Oo Doortay Guddomiye


Puntland
Puntland

Axmed Cali Xaashi ayaa wareeggii ugu dambeeyey ee doorashada ku adkaaday isaga oo helay 41 cod oo ka mid ah 64 cod oo la dhiibtay.

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta doortay Guddoomiye cusub oo baarlamaan, kaasi oo beddeli doona guddoomiyihii dhowaan isicasilay Saciid Xasan Shire.

Guddoomiyaha cusub waa xidlhibaan Axmed Cali Xaashi, oo wareeggii ugu dambeeyey ee doorashada kaga adkaaday Cabdi Xakiim Maxamed Axmed.

Axmed Cali Xaashi ayaa wareeggii ugu dambeeyey ee doorashada helay 41 cod, halka Cabdi Xakiim Maxamed Axmed uu ka helay 22 cod, ayada oo uu jiray hal cod oo xummaaday.

Xarunta baarlamanka Puntland ee doorahsada ay ka dhacday ayaa waxaa soo xaadiray 64 ka mid ah 66-ka xildhibaan ee baarlamanka Puntland uu ka kooban yahay.

Axmed Cali Xaashi ayaa horey u ahaa guddoomiyaha baralamanka Puntland, intii u dhaxeysay 2006-dii illaa 2008-dii.

Waxaa warbixintan Garoowe nooga soo diray Nuux Muuse Birjeeb.

Doorashada Baarlamanka Puntland
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:57 0:00

XS
SM
MD
LG