Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamaanka oo Kulmaya Axadda


Baarlamaanka oo Kulmaya Axadda
Baarlamaanka oo Kulmaya Axadda

Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh Aadan Madowe ayaa ku dhawaaqay Maalinta Axadda in kalfadhiga ugu horeyay ee baarlamaanka uu furmayo.

Guudoomiyaha oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Shirku ka furmi doono Xarunta golaha Shacabka oo dhawaan la dayac tiray waxaana uu ugu baaqay xildhibaanada maqan inay soo xaadiraan ka hor shirka si ay ugutaan waajibaadka horyaala


Khilaafka baarlamaanka ayaa wali taagan waxaana Sheekh Aadan Madowe mar la weydiyay hadii aysan shirka ka soo qeybgalin xildhibaanada aanu aqoonsaneen gudoomiya nimadiisa ayaa waxa uu sheegay in xildhibaankii xilkiisa gudan waaya uu waayi doona xilka uu hayo.


Baarlamaanka ayaan wax shir ah yeelan mudda ku dhawaad sanad kadib markii uu hareeyay khilaaf ka dhashay sharci ahaanshaha gudoonka hada jira oo xildhibaanada qaarkood ay qabaan inuu sharcidaro yahay halka kuwa kale ay arintaasi ka soo horjeedaan .

XS
SM
MD
LG