Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamaanka oo ka Hadlaya Muddo Kordhinta


Baarlamaanka oo ka Hadlaya Muddo Kordhinta
Baarlamaanka oo ka Hadlaya Muddo Kordhinta

Xubnaha Golaha Baarlamanka Somalia ayaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Garyaqaan Maxamed Nuur Sheegow oo ka tirsan gudigga Barlamanka ee arrimaha federalka oo u waramayay idaacadda VOAda ayaa sheegay in kulanka maanta lagu lafa guri doono soo jeedin la xiriirta baahidda loo qabo in Baarlamanku uu muddo kordhin sameysto.

Xildhibaan Sheegow ayaa dhinaca kale ku eedeeyay dowladda ku meel gaarka ah in ay ka gaabisay masuuliyadii loo igmaday oo uu sheegay in war lagu qanci karo aysan ka bixin faahfaahin Barlamanku ka doonayay oo la xiriirtay cidda gashay heshiisyo muran badan dhaliyay oo lala yeshay Shirkado Shisheeye

Muddada dowladda ku meel gaarka ah iy Baarlamanka ayaa ku eg bisha August ee soo socota waxaan socoda dadaalo la doonayo in talaabooyin siyaasadeed loo qaado sidii inta yare ee ka harsan waqtiga kala guurka ah loo dhameystiri lahaa Dastuurka qabyada ah ka horna Barlamanku uu muddo kororsi sameeyo.

XS
SM
MD
LG