Isku xirrada

War

Baarlamaanka oo Ansixiyay Ra'iisal-wasaaraha Cusub


Baarlamaanka oo Ansixiyay Ra'iisal-wasaaraha Cusub

Baarlamaanka oo Ansixiyay Ra'iisal-wasaaraha Cusub

Baarlamaanka KMG ee Somalia ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay ra'iisul-wasaaraha cusub ee Somalia C/wel Max'ed Cali

Baarlamaanka KMG ee Somalia ayaa maanta fadhi uu ku yeeshay magaalada Muqdisho wuxuu codka aqlabiyad leh ku ansixiyay Raisal-wasaaraha cusub ee Somalia, C/weli Max'ed Cali ee uu dhawaan soo magacaabay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

437 Mudane ayaa codkoodu ku ogolaaday magacaabista ra'iisul Wasaaraha cusub, halka ay 4 mudane diideen, 2-kalena ay ka aamuseen.

Kulanka lagu ansixiyay raisal-wasaaraha cusub oo uu goob-joog ka ahaa madaxweyne Shariif ayaa waxaa soo xaadirtay 443 xildhibaan.

Ansixita kaddiba, waxaa la dhaariyay raisal-wasaare C/wali Max'ed Cali. Ra'iisul Wasaaraha cusub oo fadhigii maanta la hadlay xildhibaannada baarlamaanka Somalia, ayaa sheegay inuu haatan guda-gali doono latashiyo uu la sameynayo qeybaha bulshada kaasoo ku saabsan sidii uu u soo dhisi lahaa golaha wasiiradda ee ay yeelanayso xukuumaddiisu.

Raisal-wasaare Dr C/weli oo ah dhaqaale yahan haysta dhalashada Maraykanka ayaa noqonaya raisal-wasaarihii saddexaad ee uu soo magacaabo madaxweyne Shariif Sheekh Axmed tan iyo sanadkii 2009-kii.

XS
SM
MD
LG