Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya Oo Cunto Loo Wado Somalia Joojisay


Cuntada WFP
Cuntada WFP

Baabuurta WFP oo cunto u wada Soomaaliya ayaa Kenya waxay ku xanibtay xadka, ayaga oo ka cabsi qaba inay Al-Shabaab u gacan gasho.

Mas’uuliyiinta dalka Kenya ayaa saddex baabuur oo xamuul ah oo sida cuntada WFP waxa ay ku hayaan xuduudda Soomaaliya, ayaga oo tuhun ka qaba in cuntadaas ay u gacan geli karto Al-Shabaab, sida uu sheegay sarkaal sare.

WFP waxa ay sheegtay in baabuurtan ay mas’uuliyiinta Kenya ka haystaan dhammaan warqadihii u fasaxayey inay cuntada qaadaan, islamarkaana ay si dhow ula socon doonto arrintan, si loo xaqiijiyo in cunnada ay gaarto halkii loogu tala-galay.

Maxamuud Saalax oo ah isku xiraha amniga ee gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegay in baabuurtaan lagu hayo magaalada Mandheera, ayada oo WFP laga sugayo inay xaqiijiso in cuntadan aysan u gacan geli doonin Al-Shabaab.

“Wxaaan ka shaki qabnaa halka cuntada ay u socoto, sababta oo ah markii ugu dambeysay ee cunto ay ka gudubto xadka, waxa ay ku dhammaatay gacmaha Al-Shabaab” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Challiss McDonough, oo ah afhayeenka WFP ee gobolka ayaa ayada oo ku sugan Nairobi waxa ay sheegtay inay mas’uuliyiinta Kenya kala shaqyenayaan in la xaliyo is-fahamwaagan..

Waxa ay sheegtay in WFP ay xaqiijineyso in cuntada ay ku dhacdo kaliya gacmaha dadka dhiban ee u baahan. Al-Shabaab ayaa deegaanda ay maamusho ka mamnuucday WFP, sanaddii 2010, sida ay sheegtay.

XS
SM
MD
LG