Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baardheere oo Mar kale la Duqeeyay


Baardheere oo Mar kale la Duqeeyay
Baardheere oo Mar kale la Duqeeyay

Magaalada Baardheere waxaa maanta loo geystay duqeyn cirka ah oo loo malaynayo inay fuliyeen diyaaraddaha dagaalka ee ciidamada Kenya.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Baardheere ayaa sheegay in duqeynta maanta lala beegsaday xarun quudin oo ay maamusho hay'adda bisha Cas iyo school lagu magacaabo Markabley oo ku yaalla bartamaha magaalada Baardheere.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in wiil yar oo 13 jir ah oo ka mid ah arday schoolka uu ku dhaawacmay duqeyntan maanta.

Sarkaal ka tirsan hay'adda bisha Cas oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa VOA u xaqiijiyay duqeynta loo geystay xarunta quudinta. Sarkaalkan ayaa sheegay in duqeyntu ay burburisay dhismihii xarunta.

Afhayeenka ciidamada Kenya ayaa oo VOA la xiriirtay ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo duqeynta maanta.

Dhageyso wareysi mid ka mid ah maamullayaasha dugsiga maanta la duqeeyay.

XS
SM
MD
LG