Isku xirrada

Axmed Cali Abokor oo Geeriyooday


Moneta, Virginia

Moneta, Virginia

Axmed Cali Abokor, waxa uu qeyb weyn ka qaatay hirgelinta Af-Soomaaliga, isaga oo ahaa bare Afka-Soomaaliga ah. Waxa uu sidoo kale xubin fir-fircoon ka ahaa akadeemiyadii Cilmiga Fanka iyo Suugaanta.

Alle ha u naxariistee waxaa toddobadkii hore gobolka Virginia ee duleedka magaaladan Washington DC ee dalkan Mareykanka ku geeriyooday Axmed Cali Abokor oo ahaa xubin ka tirsanaa guddigii qoray Af-Soomaaliga.

Axmed Cali Abokor, waxa uu qeyb weyn ka qaatay hirgelinta Af-Soomaaliga, isaga oo ahaa bare Afka-Soomaaliga ah.

Axmed Cali waxa uu sidoo kale ka mid ahaa shaqaalihii 1974-kii lagu aas-aasay akadeemiyadii Cilmiga Fanka iyo Suugaanta, oo uu ka mid ahaa illaa ay dagaalladii sokeeye ka dhaceen 1990-kii.

Haddaba qeyb ka mid waxqabadkii iyo cashiradii uu bixin jiray marxuun Axmed Cali Abokor ayuu qoraa Axmed Faarax Cali Idaajaa warbixintan innoogu soo koobayaa.

XS
SM
MD
LG