Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Austria: Meydadka 71 Muhaajiriin oo la Helay


Baabuurka laga helay meydadka. Aug 27, 2015.
Baabuurka laga helay meydadka. Aug 27, 2015.

Austria ayaa xaqiijiyey inay ka heleen meydadka 71 ruux oo muhaajiriin ahaa, oo ay ku jirto gabar yar gaari qaboojiye oo kuwa xamuulka qaada ah, kaas oo looga tagay xadka dalkaasi.

Austria ayaa xaqiijiyey inay ka heleen meydadka 71 ruux oo muhaajiriin ahaa, oo ay ku jirto gabar yar gaari qaboojiye oo kuwa xamuulka qaada ah, kaas oo looga tagay xadka dalkaasi.

Seddex ruux, ayaa lagu xirey gudaha Hangari, kuwas oo lala xiririanaayo dhimashada dadka gaariga ku dhintay, waxaana booliska Austria ay sheegeen in ay dhacadaani uga shakisan yihiin inay ka dambeeyaan koox muqallisiin oo isugu jira Bulgarian iyo Hungarian.

Booliska, ayaa sheegay dadka dhintay in ay isgu jireen 59 rag ah, 8 haween ah iyo afar qofood oo caruur ah oo ay ku jirto gabar yar oo da’deeda lagu qayaasay hal illaa laba sano jir, waxana boolisku ay leeyihiin waxa suura gal ah inay dadkaasi ahaayeen kuwa u dhashay dalka Syria.

XS
SM
MD
LG