Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Australia: 3 Nin oo Danbiyo Argagixiso lagu Helay.


Australia: 3 Nin oo Danbiyo Argagixiso lagu Helay.
Australia: 3 Nin oo Danbiyo Argagixiso lagu Helay.

Maxkamad ku taala Australia ayaa danbi argagixiso ku heshay 3 nin oo midkood Soomaali yahay, sidoo kale siidaysay 2 kale oo Soomaali ah

Maxkamadda sare ee magaalada Melbourne ee Australia ayaa dambiyo ku heshay saddex nin oo loo haystay dambiyo la xidhiidha in ay maleegayeen shirqoolo lagu doonayay in ay weerarro argagaxiso ay kaga fuliyaan dalka Australia.

Saddexdan nin ayaa midkood waxaa uu asal ahaan ka soo jeedaa dalka Somalia, halka labada kale ay ka soo jeedaan dalka Lubnaan. Ninka Soomaaliga ah oo da'diisa lagu sheegay 27 jir ayaa lagu magacaabaa Saney Aweys.

Saddexdan nin ayaa loo haystay danbiga ah inay sanadkii hore ee 2009-kii ay doonayeen inay weeraraan saldhig ciidamada Australia ay ku leeyihiin Sydney. Raggan ayaa sheegay inay ka horjeedeen howlgalka ciidamada Australia ay ka wadaan dalka Afghanistan.

Maxkamadda sare ee magaalada Melbourne waxaa ay sii daysay kaddib markii wax dambiyo ah ku wayday laba nin oo kale oo uu asalkoodu Somali yahay oo la kala yidhaahdo Cabdirahman Maxamoud Ahmed oo 26 jir ah iyo Yacquub Khayre oo 23 jir ah.

XS
SM
MD
LG