Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AU oo ka Hadashay Qilaafka Baarlamanka


AU oo ka Hadashay Qilaafka Baarlamanka
AU oo ka Hadashay Qilaafka Baarlamanka

Ururka Midowga Africa ayaa sheegay inuu aad uga walaacsanyahay qilaafka todobaadyadii la soo dhaafay ka dhex oognaa baarlamanka Soomaliya, ee ka dhashay Markii xildhibanada Barlamanka ay sheegeen inay xilka ka qaadeen Gudoomiyahooda Sharif Xassan Shiekh Aden.

War saxafadeed shalay ka soo baxay Xarunta Midowga Africa ee Magaalada Adis-ababa ayaa lagu sheegay in Ururku uu ka qoomameynayo, awood daridda ka muuqata qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya , ee laga doonayo inay muujiyaan xil kasnimo, oo ay u istaagaan xalinta dhibaatooyinka horyaala dalkooda.

Gudoomiyaha Midowga Africa Jean Ping oo ku sixiixnaa war saxaafadeedkan ayaa hoosta ka xariiqay in doorashada Gudoomiye Cusub oo uu yeesho Baarlamanka Somaliya ay tahay mid xad-gudub ku ah heshiiskii Kamampala ee June, 2011 iyo hesiiskii dhinacyada siyaasadda Soomaalida ay ku gareen Muqdisho, Sebtember, 2011.

Waxey talaabtaasi ku tilmaameen mid si adkeyn karta sii wadidda dadaalada nabadeed ee Soomaaliya, xilli Midowga Africa iyo IGAD ay xoojinayaan AMISOM, si loo xajiyo guulaha dhinaca amaanka laga gaaray.

Mr. Jean Bing ayaa ku celcelinyay sida ay uga go’antahay Midowga Africa in talaabo ku haboon uu ka qaado shaqsi kasta oo faraha kula jira, falal lagu wiiqayo hanaanka nabadda iyo dib u heshiisiinta somaliya iyo dadaalada AMISOM.

XS
SM
MD
LG