Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sheekh Attam oo ka hadlay qabsashada Galgala


A tourist is reflected in a glass surface as she walks in the newly-opened first floor of the Museum of the ancient Agora, Stoa of Attalos, central Athens, Greece.
A tourist is reflected in a glass surface as she walks in the newly-opened first floor of the Museum of the ancient Agora, Stoa of Attalos, central Athens, Greece.

Sh. Maxamed Siciid (Atam) ayaa qiray in laga qabsaday Gal-gala, wuxuuna xusay inuu haatan galayo dagaallo "ku dhufo oo ka dhaqaaq ah"

Maxamed Siciid Attam, hoggaamiyaha maleeshiyada dagaalka kula jirta maamulka Puntland ayaa sheegay in kooxdiisu ay dib uga guratay tuullada Galgala oo ay ciidanka Puntland gacan ku dhigeen maalinnimadii shalay.

Sheekh Atam, wuxuu xusay in wixii haatan ka danbeeya xeeladda dagaal ee ay adgeesanayaan ay noqon doonto mid “ku dhufo oo ka dhaqaaq ah”.

Atam, wuxuu sheegtay in maleeshiyadiisu ay khasaare gaadhsiiyeen ciidanka Puntland, wuxuuna sidoo kale ciidanka Puntland ku eedeeyay inay geysteen falal kala duwan oo ay ku jirto bililiqo iyo waliba gubista beero ku yaala tuullada Galgala.

Sheekh Atam ayaa mar kale sheegay in uuna wax xiriir la lahayn kooxda Al-shabaab ee koonfurta Somalia ka dagaalanta, laakiin waxa uu qiray in kooxdiisu doonayso in meelaha ay ka taliyaan ay shareecada Islaamka ku dhaqaan, taaso waliba, sida uu sheegay, ay la qabaan cuqaasha iyo waxgaradka degan deegaanka uu ku sugan yahay.

Eedeyntaasi Sh. Atam ee ku wajahan in ciidamada Puntland ay geysteen tacadiyo waxaa si weyn u beeniyay wasiirka Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda ee Puntland Siciid Maxamed Raage.

XS
SM
MD
LG