Isku xirrada

War

Atom oo Sheegay inuu Joogo Galgala


Degmada Galgala

Degmada Galgala

Maxamed Siciid Atom, oo la soo xiriiray VOA ayaa sheegay in weerarkii ciidamada Puntland loogu geystay Galgala ay ciidankiisu ka dambeysay.

Sheekh Maxamed Siciid Atom, hoggaamiyaha koox maleeshiyo Islaamiyiin ah oo fariisinkoodu ahaa degmada Galgala ee gobolka Bari, ayaa sheegay in ciidamadiisu ay ka dambeeyeen weerar maanta loo geystay ciidamada Puntland ee ku sugnaa Galgala.

Sheekh Atom oo xiriir la soo sameeyay VOA ayaa sheegay in uu ku sugan yahay aagga deegaanka Galgala, wuxuuna sheegay in weerarka ay qaadeen uu ka dambeeyay ka dib markii ciidamada Puntland ka dhaga adeygeen, sida uu hadalka u dhigay, inay isaga baxaan deegaankaasi.

Wuxuu beeniyay in dagaalka maanta uu dhinacooda ka soo gaaray khasaare ballaaran, balse wuxuu sheegay in labo ruux ay kaga dhimatay.

Wasiirka amniga ee Puntland Yuusuf Axmed Kheyr ayaa sheegay in ciidamadooda weerar gaadmo ah lagu soo qaaday, lagana dilay 5 askari, afar kalena laga dhaawacay.

XS
SM
MD
LG