Isku xirrada

Sarkaal Nabad-Sugid Ahaa oo Lagu Dilay Jawhar


Wararka ka imanaya magaalada Jawhara ee Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in sarkaalka madaxda ka ahaa xafiiska nabadsugidda ee Gobolkaasi in toogasho lagu dilay gudaha magaalada caawa.

Wararka aanu helnay ayaa sheegaya in sarkaalkan uu toogtay qof lagu sheegya inuu ka mid ahaa ilaaladiisa oo horey uga soo goostay ururka Al-Shabab.

Ilaa hadda dawladda Soomaaliya si rasmi ah ugama hadlin weerarkan caawa fiidkii ka dhacay magaalada Jawhar.

Sidoo kale sarkaalka la dilay ayaan weli magaciisa si rasmi ah loo shaacin.

XS
SM
MD
LG