Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askari Miino ku Dishay Baardheere


Wararka aan ka heleyno magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, ayaa sheegaya in halkaasi uu ku dhintay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, kaddib markii ay la qaraxday miino, gudaha suuq ku yaalla magaalada Baardheere.

Arrintani, ayaa waxay ka dambeysay kadib markii dad deegaanka ah ay ku soo wargeliyeen ciidamada in miino lagu arkay suuqa cowska ee magaalada Baardheere, ayna ciidamadu isku dayeen inay ka hortagaan miinada intaysan qarxin.

Askariga dhintay, ayaa la sheegay in uu isku dayay in uu miinada fur furo, hasa yeeshee intii uu ku gada jirey howshaasi ay kula qaraxday goobtaasi, islamarkaasina uu meesha ku dhintay.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay saraakiisha sar sare ee ciidamada magaalada Baardheere jooga.

Baardheere, ayaa waxa aheyd muddo sanada ahba xarrun weyn oo Shabaabku joogeen, ka hor intii aanay gacantooda ka bixin bishii July ee sanadkan.

XS
SM
MD
LG