Isku xirrada

War

Askari Boolis Ah oo Lagu Diley Boosaaso

  • Falastin Iman

Askari Boolis Ah oo Lagu Diley Boosaaso

Askari Boolis Ah oo Lagu Diley Boosaaso

Ilaa iyo Laba qof ayaa Lagu diley mid kalena waa lagu dhaawacay dilal gaar gaar ah oo ka dhacay Magalaada Boosaaso.

Saaka subaxnimadii ayaa bartamaha suuqa weyn ee magaalada Boosaaso waxaa lagu dilay nin ka tirsan ciidamada Booliska Puntland oo labisanaa dharka ciidanka. Dilka Askariga ayaa ka dhacay isgoyska suuqa caanaha.

Dilalkan ayaa waxaa geystey rag ku hubeysan bastoolado, kuwaasoo ka dib dilkana baxsadey.

Sidoo kale habeenimadii xalay ayaa agagaarka Hotel Emaraat oo u dhow suuqa weyn waxaa lagu dilay nin dhalinyaro ah oo ka ganacsan jiray sarifka lacagaha qalaad, iyadoo nin kalena lagu dhaawacay weerarkaas.

Kooxaha falkan geystey ayaa dhamaanba baxsadey.

Dilalka bastooladaha loo adeegsado ayaa waayadanba ku soo badanaayey deegaanada maamulka Puntland.

Dilalka ugu badan ayaa waxa ay ka dhacaan agagaarka suuqa weyn ee magaalada Boosaaso. Ciidamada Booliska ayaan wax war ah ka soo saarin dilalkan iyo hadii ay jirto cid loo hayo.

XS
SM
MD
LG