Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askar Lagu Eedeeyey Inay Weerareen Erdogan oo la Xiray


Erdogan
Erdogan

Ciidamada dalka Turkiga ayaa maanta xiray 11 askari oo la tuhunsan yahay inay weerareen hotel uu ku sugnaa madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan habeenkii uu dhacay afgambigii dhcisoobay ee dalkaas.

Askartan ayaa lagu xiray meel ku dhow magaalada xeebta ee Marmaris, waxaana ay tani daba socotay toddobaad xarigyo lala beegsanayey askar lagu eedeeyey inay weerareen Erdogan.

Madaxweynaha ayaa waxa uu fasax ku qaadanayey magaalada Marmaris 15-kii July markii isku dayga afgambi uu dhacay, waxaana uu sheegay inuu hotel-ka ka tagay ka hor inta aysan askarta weerarin.

Xariga maanta ah ayaa ah kii ugu dambeeyey olole ka dhan ah dadka lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen weerarka.

Dowladda Turkiga ayaa shaqada ka ceyrisay 1,400 oo shaqaale Milatari ah oo u ku jiro la-taliyihii dhinaca milatariga ee madaxweyne Erdogan.

In ka badan 50,000 oo qof ayaa dalka Turkiga lagu xiray tan iyo markii uu fashilmay isku daygii afgambi ee dalkaas, waxaana dadkan gebigood lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen weerarka.

XS
SM
MD
LG