Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askar lagu dilay magaalada Boosaaso


Askar lagu dilay magaalada Boosaaso
Askar lagu dilay magaalada Boosaaso

Laba askari oo boliis ah ayaa maanta lagu dilay Boosaaso. Sidoo kale waxaa Puntland ka socda raafka dadka ka soo jeeda Koonfurta

Labadan askari oo lagu kala dilay bartamaha magaalada Boosaaso ayaa waxay ka tirsanayeen ciidamo howlgalo raaf ah ka waday magaaladaasi. Dilkaasi ayaa waxaa la sheegayaa inay geysteen rag hubeysan oo aan la ogeyn cidda ay ka tirsan yihiin. mana cadda sababata ka danbeysa dilkaasi.

Dilkan askarta ayaa ku soo beegamaya iyadoo maalintii labaad ay ka socoto magaaladaasi howlgallo lagu qab-qabanayo dadka ka soo jeedda gobollada Koonfurta Somalia. waxaana dadkaasi laga qab-qabanayaa suuqyada, jidadka iyo goobaha ganacsiga ee Boosaaso.

Howlgalkan oo ay wadaan ciiamada boliiskan ayaa lagu sheegay in lagu sugayo ammaanka, waxaana saaka ay ciidamadu soo qab-qabteen boqolaal dhalinyaro, kuwaasi la geeyay haatana lagu hayo saldhig ciidanku ku leeyihiin magaalada Boosaaso.

Cabsi ayaa soo wajahday dadka ka soo jeeda gobollada koonfureed, kuwaasoo meherado iyo ganacsi fara badan ku leh magaalada Bossaso.

Wararka ayaa sheegayaa in qaar ka tirsan dadkii la qab-qabtay la geeyay magaalada Gaalkacyo.

XS
SM
MD
LG