Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gedo: Askar Kenyan ah Oo La Baadigoobayo


Ciidamada Kenya
Ciidamada Kenya

Askartan oo aan la ogeyn tiradooda ayaa lgu waayey weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada Kenya ee Ceelcadde.

Ururka Al-Shabaab ayaa shalay sheegtay in askar Kenyan ah ay ku qabsadeen weerarkii ay toddobadkii tagay ku qaadeen saldhig milatariga Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo.

Saraakiisha Kenya oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay inay qaadeen howgal cir iyo dhul ah oo ay ku baadi doonayaan askar ka maqan, inkasta oo aysan sheegin in askartaa ay Al-Shabab qabsadeen iyo in kale.

Wasaarada difaaca Kenya, ayaa sidoo kale sheegtay in ku dhowaad 80 ka mid ah ciidmada Kenya ay ku waxyeeloobeen dagaalkii Ceelcadde.

Dhinaca kalena, dadka ku nool deegaanada ay duqeynta iyo dagaalka ku dhex marayaan Al-Shabaab iyo ciidmada Kenya, ayaa wajahaya xaald adag, waxaana jirta cabsi xooggan oo ay dadka ka muujinyaan xaalkooda amniga.

Wararkii ugu dambeeyay ee Gobolka Gedo waxaa warbxitan inooga diyaarisay wariyeheenna Sahra Cabdi Axmed.

Askar Kenyan Ah oo la baadigoobayo
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:33 0:00


XS
SM
MD
LG