Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askar ka tirsan AMISOM oo la dilay


Askar ka tirsan AMISOM oo la dilay
Askar ka tirsan AMISOM oo la dilay

Laba askari oo ka tirsan ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Africa ee AMISOM ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho.

Midowga Africa ayaa sheegay in laba ka tirsan ciidamadooda nabad-ilalainta lagu dilay dalka Somalia, iyagoo markaasi dagaal kula jira kooxaha mucaaradka ku ah dowladda Somalia.

Labada askari ayaan wali la ogeyn waddamada ay u dhasheen.

Ciidamada Midowga Africa ka socda ee loo yaqaan AMISOM ayaa iyagu taageeraya dowladda tabarta yar ee Somalia dagaalka ay kula jirto kooxaha ku mucaaradka.

Madaxa nabadda iyo amniga ee Midowga Africa Ramtane Lamamra ayaa sheegay in hogaamiyayaasha Africa ay ka wadaxaajoon doonaan sidii ay ciidamo dheeraad ah ugu diri lahaayeen Somalia marka ay ku kulmaan magaalada Kampala ee dalka Uganda.

XS
SM
MD
LG