Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askar Dhaawacan oo Isbitaal la Dhigay


Askar Dhaawacan oo Isbitaal la Dhigay
Askar Dhaawacan oo Isbitaal la Dhigay

Magaalada Gaarisa waxaa la soo gaarsiiyay 18 askri oo ku soo dhaawacmay dagaaladii Dhoobley.

Wararka ka imaanaya magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegayaan in ugu yaraan 18 askar Soomaaliyeed oo dhaawac ah la soo gaarsiiyay Isbitaalka guud ee magaaladaasi.

Mid ka mid ah askartaasi ayaa u dhintay dhaawac culus oo uu qabay, iyadoo kuwa kalena ay sugayaan qalliin in lagu sameeyo.

Askartaasi dhawaca ah ee la soo gaarsiiyay Gaarisa waxay ka mid ahaayeen ciidamadii dowladda KMG ee ka qeybgalay dagaaladii shalay iyo xalay ka socday degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, ee u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa ururka al-Shabaab.

Wararka aynu ka helayn Dhoobley ayaa sheegaya in degmada ay haatan cidlo tahay, dhinacyadii dagaallamayayna ay ka kala fadhiyaan hareeraha.

Dagaalkaasi ayaa lagu soo warramayaa in kooxda al-Shabaab uu ka soo gaaray khasaare aad uga ballaaran kan soo gaaray ciidanka dowladda, inkastoo tiro ahaan aan la hubin.

Kenya ayaa xuduuddeeda dhoobtay ciidamo si ay uga hortagto firxadka dagaallada Soomaaliya ka socda, inkastoo dhaawaca ciidamada dowladda loo oggolaaday inay xuduudda ka soo tallaabeen.

XS
SM
MD
LG