Isku xirrada

Ash Carter Oo Tagay Badda Koonfurta China


Booqashadiisa ayaa imaneysa xilli xiisad ay sare uga sii dhex kaceyso labada dal, sababo la xiriira isballaarinta badeed ee xukuumadda Beijing ee gobolka.

Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Ash Carter ayaa maanta booqday markab dagaal oo Mareykanka uu lee yahay oo ku sugan Badda Koonfurta China, ayada oo xiisad ay sare uga sii dhex kaceyso labada dal, sababo la xiriira isballaarinta badeed ee xukuumadda Beijing ee gobolka.

Carter ayaa waxa uu la safrayey dhiggiisa dalka Malaysia Hishammuddin Hussein.

Labada mas’uul ayaa raacay markabka USS Theodore Roosevelt oo mushaaxay badda Koonfurta China ee dhinaca Malaysia.

Isaga oo ku dhowaaqaya booqashadiisa ayaa Carter waxa uu arbacadii sheegay inay astaan u tahay go’aanka Mareykanka ee gobolka uu diiradda ku saarayo.

Badda uu ku safray Carter ayaa waxa ay ku dhowdahay jasiirad macmal ah oo China ay haysato, balse ay sheegtaan dalal badan oo gobolka ka tirsan.

XS
SM
MD
LG