Isku xirrada

War

8-da Maarso Maalinta Haweenka Aduunka


Munaasabado lagu xusayay maalinta haweenka aduunka ayaa ka dhacay daafaha dunida.

8-da Bisha Maarso ee sanad walba Haweenka ku nool aduunyadu waxay soo bandhigaan guullaha ay gaareen iyo caqabadaha la oran karo way hor taagan yihiin.

Haweenka Soomaalida oo dhinacooda iyaguna ka xusaya maalinta 8-da Maarso ayaa waxaa iyaga u dheer duruufo adag oo noloshooda soo wajahaya sida dagaallo iyo shaqo la'aan.

Haweenka Soomaalidu waxay waqtiyadii hore iyo xilliganba lafdhabar u yihiin qoysaska Soomaaliyeed. Tiro badan oo haween ah ayaa qoysaskooda u soo saara nolol maalmeedka iyadoo ay taasina u sii dheer tahay daryeelka Ubadka.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame "Hadraawi" ayaa maanso uu dhawaan soo saaray uga hadlay kaalinta ay haweenka Soomaalidu kaga jiraan bulshada. Abwaan Hadraawi wuxuu dhaliilay qaar ka tirsan ragga Soomaalida oo uu ku sheegay inay dayaceen doorkii ay lahaayeen.

qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso Warbixin weriyaha VOA Hargeysa Sahra Ciidle Nuur ay uga hadlayso maalinta haweenka aduunka ee 8-da Maarso.

XS
SM
MD
LG