Isku xirrada

War Deg-Deg ah

25 Qof oo lagu Dilay Ciraaq


Ugu yaraan 25 qof ayaa dhintay in kabadan 50 kale way dhaawacmeen kaddib markii qarax baabuur uu maanta oo Salaasa ah ka dhacay degmada Diwaniya oo 150 dhinaca koonfureed kaga toosan magaalada Baghdada.

Qaraxan ayaa ka dhacay goob suuqa ah oo dadku ay ku badan yihiin.

Sidoo kale goor sii horreysa maanta, ugu yaraan 4 qof ayaa dhintay markii qaraxyo baabuur lagu bartilmaameedsaday goob Shiicadu ay ku cibaadeystaan oo u dhow magaalada Karbala.

Qaraxyadan ayaa imanaya maalmo ka hor inta aan la qaban xaflado ka dhacaya magaalada Karbala oo lagu maamuusayo dhalashada Imaam ay Shiicadu leeyihiin.

Rabshadaha Ciraaq ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay kordhay, iyadoo weerarro dhacay bishii June ee ina dhaaftay ay ku dhinteen ugu yaraan 237 qof.

XS
SM
MD
LG