Isku xirrada

War

Maraykanka: Askartii Pakistan Qalad ayey ku Dhinteen


Maraykanka: Askartii Pakistan Qalad ayey ku Dhinteen

Maraykanka: Askartii Pakistan Qalad ayey ku Dhinteen

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Baaritaan ay sameysay ay ku ogaatay in Mareykanku uusan si ula kac ah u dilin Askarta Pakistan

Saraakiisha difaaca dalkan Mareykanka ayaa Khamiistii shalay ku edeeyay wada shaqeynta xumo ay sameeyeen ciidamda uu Mareykanka horkacayo iyo Pakistan iney keentay weerar isbaheysigu uu bishii la so dhaafay ku dilay 24 ka tirsanaa askarta Pakistan xadka ay wadaagaan Pakistan iyo Afghanistan.

Afhayeen u hadlay Pentigon-ka Maraykanka Goerge Little ayaa sheegay in Baaritan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in ciidamada Mareykanka oo raacayay warbixinta ay heli karaa xiliga ay qaadeen talaabo isdifaac ah oo ay isticmaaleen awood si ey uga jawaabaan rasaas lagu soo riday.

Waxa uu sheegay Afhayeenka Aqalka Gaashaandhigga Mareykanka u halay in saraakiisha Mareykanka ay warbixin qaldan oo dhinaca qariidada ah ay la wadaageen Pakistaniyiinta, taasoo keentay buu yiri is-fahmi waaga la xiriira goobta ay ku yaaleen saldhigyada military ee Pakistan.

Waxaa kaloo uu sheegay in baaritaanka lagu ogaaday in Ciidmada mareeykanka aysan si ula kac ah u duqeyn ciidamada Pakistan.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa si aad uga qoomameeysay dhacdadaasi waxeyna ka tacyiyeysay dhimashada

XS
SM
MD
LG