Isku xirrada

War Deg-Deg ah

15 Ruux oo ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Gobolada Dhexe


15 Ruux oo ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Gobolada Dhexe
15 Ruux oo ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Gobolada Dhexe

Dad kala taageersan maamulada Galmudug iyo Ximin & Xeeb ayaa ku dagaalamay inta u dhaxaysa deegaanada Gellinsoor iyo Dhabbad

Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku dhintay dagaal maanta ka dhacay deegaan u dhexeeya Gellinsoor iyo Dhabbad oo ku yaalla gobolada dhexe ee Somalia.

Afhayeenka Ahlusunna Waljamaaca ee gobolada dhexe, Khalif Sheekh Xuseen ayaa sheegay in malayshiya ka tirsan maamulka Ximin iyo Xeeb ay dagaal ku qaadeen dad reer miyi ah oo lagu tuhmay inay Ahlusuna ka tirsanaayeen.

Dhinaca kale, Madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb, Maxamed C. Aadam (Tiicey) ayaa sheegay in dagaalku ka dhex dhacay dad reer miyi ah, xallinteeduna ay u taallo maamulada Galmudug iyo Ximin & Xeeb, isla markaasna ayna Ahlusuna meesha hadal uga banaaneyn.

Wareysiyada oo dhameystiran, hoosta ka dhagesyo

XS
SM
MD
LG