Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ardayda Kenya Oo Ku Biiraya Al-Shabaab


Hogaanka al-shabaab oo is Khilaafay
Hogaanka al-shabaab oo is Khilaafay

Walaaca ugu weyn waxa uu ka taagan yahay baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter, oo la sheegayo inay yihiin meelaha ay Al-Shabaab ku tashkiiliso ardayda Kenya.

Dowlada Kenya ayaa sheegtey in ardey badan oo dalkaas u dhashay ay wali ku biirayaan kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta Kenya.

Madaxa ciidamada Kenya Samson Mwathethe oo ka hadlayey munaasabad lagu xusayey sanad guuradii afaraad ee kasoo wareegtay markii ciidamada Kenya ay galeen Soomaaliya, ayaa shaaca ka qadaay in tirada ardayda Kenyanka ah ee ku biiraya Al-Shabaab ay sii kordhayaan.

Samson waxa uu sheegay in baraha bulshada sida facebook iyo twitter-ka ay yihiin aalado iminka qatar ku ah ammaanka Kenya, sababtuna ay tahay inay yihiin goobaha lagu tashkiiliyo ardyada loogana qoro Kooxda Al-Shabaab.

Waxa uu ku baaqay dagaal ay si wada jir ah u galaan dowladda, maamulayaasha iskuullada iyo waalidiinta, si looga hortago in ardayda loo shaqaaleeyo kooxda Al-Shabaab.

Warbixinta Maxamed Faarax
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:43 0:00

XS
SM
MD
LG