Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hargeysa: Arday Mudaharaad Sameeysay


Hargeysa: Arday Mudaharaad Sameeysay
Hargeysa: Arday Mudaharaad Sameeysay

Ardaydu waxay dab qabadsiiyeen taayarada baabuurta iyagoona hakad ku keenay hawlihii jaamacadda.

Ardeyda Jaamacadda Hargaysa ayaa maanta sameeyay bannaan bax ay kaga soo horjeedaan maamul cusub oo uu madaxweynaha Somaliland u soo magacaabay Jaamacaddaasi.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa magacaabay guddi muddo afar bilood ah hagi doona Jaamacadda, kaasoo guddoomiye looga dhigay Fowsia Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ahayd aasaasayaasha Jaamacadda Hargeysa.

Madxweyne Silaanyo ayaa sidoo kale guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa u magacaabay Muuse Cabdi Cilmi.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa soo jeediyay in muddada afarta bilood ah lagu soo dhammeytiro xeerka doorashada hogaanka kala duwan Jaamacadda.

Ardaydu waxay dab qabadsiiyeen taayarada baabuurta, iyagoona horjoogsaday maanta hawlihii Jaamacadda.

Jaamacadda Hargeysa ayaa ah jaamacadda ugu weyn jaamacadaha ku yaalla Soomaaliland, waxaana wax ka barta arday tiradoodu ay gaareyso 4,000.

XS
SM
MD
LG